Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo bilowday tallaabooyin ka dhan ah Macawuusleyda Dagaalka kula jira

Al Shabaab ayaa guul darooyin kala kulantay dagaalka looga soo horjeedo ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, waxa ayna Al Shabaab bilooyin kaliya ku lumiyeen gacan ku heynta degmooyin iyo deegaano gacantooda ku jiray.

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab waxaa kaalin weyn ka qaatay dhallinyaro iyo odayaal deegaanka ah, kuwaa oo gacan weyn ku siiyay ciidamada dowladda in Al Shabaab laga saaro deegaanno badan.

Al Shabaab ayaa la sheegay in hadda bilaabeen in ay afduubtaan qoysaska macawuusleyda dagaalka kula jira, waxaana Al Shabaab la sheegay in tallaabadan ku doonayaan in ay ku cadaadiyaan macawuusleyda dagaalka kula jira.

Afhayeenka ciidamada milateriga Soomaaliya, S/guuto C/llaahi Cali Caanood  ayaa sheegay in Al Shabaab bilaabeen in ay afduubtaan sidoo kale dhibaateeyaan qoysaska macawuusleyda dagaalka ku wehliya ciidamada dowladda.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Al Shabaab ka carroodeen in dhallinyarada deegaanka in ay qaateen hubka ayna dagaal kala soo horjeedaan, waxa uuna Jeneraal Caanood sheegay in Al Shabaab caddaadiska saaran uu keenay afduubka ay geesanayaan.

“Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri S/guuto C/llaahi Cali Caanood.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeelaha Dhaxe lagu dilay boqolaal dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale looga saaray Al Shabaab deegaanno badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Video laga duubay Gudoomiye Madaale oo dood kulul ka dhex abuuray baraha bulshada

Caydiid Ali

Trump oo amaan fara badan huwiyey dhigiisa Turkiga iyo sababta keentay

Caydiid Ali

Diyaarado wada ciidamo badan oo ka degay Dhuusomareeb iyo abaabul xoogan oo socda

Cabdi Cade