Madaxweyne Erdogan oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Sudan (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho ku tagay magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, waxaana dalkaasi si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Sudan iyo Masuuliiin kale.

Madaxweynaha Turkiga ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyay Qasriga Madxatooyada Sudan, waxa uuna halkaasi kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kadib kala saxiixday heshiisyo labada dal Muhiim u ah, waxa ayna labada wadan ku heshiiyeen in dhinacyo badan iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.

Heshiisyada Muhiimka ah ee Al Bashiir iyo Erdogan kala saxiixdeeen  waxaa kamid ah, in la sameeyo Golle iskaashi oo heer sare ah ay yeelanayaan labada dal, heshiiyo ku aadan dhinaca beeraha, waxbashada, dalxiiska iyo heshiisyo kale oo muhiim ah.

Dalalka Sudan iyo iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u sareeya, waxa ayna hada labada Madaxweyne ku heshiiyeen in sare loo sii qaado xiriirka iyo iskaashiga labada wadan ka dhaxeeya.

Madaxweynaha dalka Turkiga ay wehliyaan Wasiiro iyo ganacsato badan oo dalkaasi u dhashay ayaa booqasho ku maraya wadamo kuyaala Qaarada Afrika, waxa ayna dowlada Turkiga dooneysaa in saameyn ku yeelato Qaarada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -