(Sawirro) Shirkadda cusub ee dayuuradaha ROYAL AIR oo laga daah furay Muqdisho

Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daah-furayey shirkad cusub oo ku soo biirtay shirkadaha duulimaadyada dalka.

Shirkaddan oo la magac baxday Royal air ayaa muaasabada lagu daah furayey waxaa ka soo qeyb galay, Masuuliyiin kala duwan, Aqoonyahano, Ganacsato, Qurbajoog, Siyaasiyiin, Odayaal iyo qeybaha bulshada.

Maamulaha Guud ee Shirkada Royal Air Cali Axmed Faarax oo ka hadlay Munaasabadan ayaa sheegay in shirkaddan cusub ay aasaaskeeda iska kaashadeen ganacsto Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sameeyey baahida shirkadaha dayuuradaha dalka.

“Dayuurada Royal Air waxay ka howlgeli doontaa magaalooyinka gudaha dalka, aasaaskeedana waxaa sababay markii aan aragnay inaan weli la daboolin baahida ka jirta duulimaadyada gudaha inkastoo ay dalka ka jiraan shirkado kale” ayuu yiri Cali Axmed Faarax.

Waxaa uu intaas ku daray in shirkadooda ay bulshada ugu shaqeyn doonto dayuurado casri ah oo tayadooda iyo badqabkooda la hubiyey, ayna xil weyn iska saari doonaan qancinta Macaamiishooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -