Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah dalalka Carabta oo cafiyay qeyb ka mid ah deyn uu ku lahaa Somalia

Dowladda Iraq ayaa ku dhawaaqday inay Somalia ka cafin doonaan Kala-bar Lacagihii ay ku lahayd ee la bixiyey xilligii uu Talada dalkaasi hayey AUN Madaxweyne Saddam Xuseen.

Go’aanka Dayn cafintaasi waxaa shaaciyey Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Sudan ee Ururka Jaamacadda Carabta,  Ambassador Zayd Al-Saban

Wareysi uu siiyey Wakaallada Wararka Bariga Dhexe ee The Middle East News Agency (MENA) waxa uu ku xaqiijiyey in Ururka Jaamacadda Carabta la soo gaarsiiyey Heshiis Isfaham oo Rasmi ah (An official memorandum) oo ay Jamhuuriyadda Iraq ku caddaysay inuu socdo dadaalka ay ku cafin doonaan Kala-bar Daymaha ay Somalia ku lahaayeen.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horey uga codsaday Dowladdaha xubnaha ka ah Ururkaasi inay Somalia ka cafiyaan Daymaha ay ku lahaayeen,  iyadoo la tixgelinayo Daruufaha Adag ee dalka Somalia soo wajahay Tobanaankii sano ee la soo dhaafay ee ka horjoogsaday inay Iska bixiyaan daymaha ay ku leeyihiin dalalka Carbeed iyo kuwa Caalamka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika  iyo Sudan ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Zayd Al-Saban waxa uu Wareysiga uu siiyey Wakaallada Wararka ee MENA ku xusay in lagu guuleystay dadaal ay iska kaashadeen Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ahmed Abul Qeyd iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya sanadkii 2016-dii  si wax looga qabto Daymaha ay dalalka Dibedda leeyihiin dalkeena Somalia.

Qalinka: Ustaad Nuradin Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo shaaciyay hadal niyad jab ku riday Donald Trump

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay booqahadii RW Xamse ku joogay dalka Kenya

Caydiid Ali

Lacagta Qadar ku bixineyso Dhismaha Garoomada Koobka Aduunka oo 17 Jeer ka badan  Miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---