Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo shaaciyay hadal niyad jab ku riday Donald Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wali ku adkeesanaya in aan looga guuleesan doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka, waxa uuna sheegay in ay dhacday musuq maasuq iyo ku shubasho intii doorashada socotay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa shaaciyay in waaxdiisa cadaaladda aysan helin wax caddeyn ah oo ay ku taageerto warka uu sheegayo Madaxweyne Trump ee ah in la musuqmaasuqay doorashada 2020-ka.

William Barr oo kamid ah dadka aadka ugu dhaw Madaxweyne Trump ayaa kamid ahaa xubno loo xil saaray in ay baaraan in doorashada ku shubteen Xisbiga Dimuquraadiga, waxa uuna Xeer ilaaliyaha sheegay in aysan arag wax natiijada dhinac kale u rogi kara.

Qareenada madaxweyne Donlad Trump ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud uusan wax badan ka qaban baaritaanka loo xil saaray, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalamayaan ilaa ka guuleestaan.

Hadalkan kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha dalka Mareykanka ayaa niyad jab xoogan ku riday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo wali diidan in uu qirto in doorashada looga guuleestay, waxa uuna ku doodayaa in musuq maasuq dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -