Lacagta Qadar ku bixineyso Dhismaha Garoomada Koobka Aduunka oo 17 Jeer ka badan  Miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee..

Dowlada Qadar ayaa diyaar garow xoogan ugu jirta marti galinta koobka aduunka oo lagu wado in dalkaasi lagu qabto sanadka 2022-ka, waxaana dalkaasi wali ka socda dhismaha garoomada lagu ciyaarayo ciyaaraha kala duwan ee Koobka aduunka.

Lacagta dowlada Qadar ku bixineyso dhismaha garoomada kubada cagta iyo dhismayaasha kale ee muhiimka ah ayaa la sheegay in ay gaareyso balaayiin dollar, waxaa sidoo kale dalkaasi ka socda fulinta mashaariicyo kale oo horumarineed.

Hassan Al Thawadi oo madax u ah gudiga diyaarinta adeegyada Koobka Adduunka ee Qadar ayaa sheegay in dhismaha garoomada iyo mashaariicyo kale oo loogu diyaargaroobayo koobka aduunka ay ku baxeyso lacag gaareysa lix bilyan oo dollar.

“Lacagta ku baxday garoomada iyo adeegyada kale waxa ay gaareysaa lix bilyan doolar. Waxaa intaas sii dheer inay jiraan mashaariic horumarineed oo laga wado guud ahaan wadanka iyo maalgashi dhismayaal oo iyagana loo isticmaali doono Koobka Adduunka.” ayuu yiri Hassan Al Thawadi .

Lacagtan waalida ah ee lagu bixiyo diyaargarowga Koobka Adduunka ayaa ah lacag aad u badan, waxaana lacagtan u dhigantaa 17 jibaarka miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sannadkan ay ku shaqeyneyso oo gaareysa 340 milyan doolar.

Dalka Qadar oo markii ugu horeesay lagu qabanayo koobka aduunka ayaa diyaar garow balaaran ugu jira koobka aduunka, waxaana wali socda dhismaha garoomo badan oo si casri ah loo dhisayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -