Koox ciyaartoy ah oo Magaalada Tehran loogu xirxiray xaflad ay ka qeyb galeen

Koox ciyaartoy hore ah, iyo kuwa hadda ciyaara oo u safta kooxaha ugu caansan magaalada Tehran oo ka qayb qaadanayay wax lagu tilmaamay xaflad loogu dabaal dagayey bilashada sanadka cusub ee 2023-ka.

Wakaaladda wararka Iran ee TASNIM ma shaacin magacyada ciyaartoyda iyo tiradooda, balse waxay sheegtay in qaarkood ay ku sugan yihiin xaalad aan caadi ahayn, oo ay sabab u tahay khamriga ay isticmaaleen.

TASNIM waxay sheegtay in Xalay oo (Sabti) ahayd ​​tiro ciyaartoy ah, oo haatan ciyaara iyo kuwo ciyaaraha ka fariistay la xiray, iyagoo qeyb ka ahaa xaflad dadku is dhex galeen oo ka dhacday goobta la yiraahdo Damavand”.

“Qaar ka mid ah ciyaartoyda waxay ku jireen xaalad aan caadi ahayn, sababtoo ah waxay cabeen khamriga,” ayay hay’addu ku dartay hadalkeeda.

Sharciga Iran, ayaa waxa uu ogol yahay oo kaliya in dad aan Muslimka ahayn ay cabbaan khamriga sababo diinta Islaamka oo aan ogoleyn awgeed. Iran ayaa waxa loo arkaa xafladaha ay is dhex galaan ragga iyo dumarka mid aan sharci darro ah oo la mamnuucay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -