Toogasho ka dhacday goob ay ka socotay dabaal-dega dhalashada Sanadka cusub (Sawirro)

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday meel kumanaan qof ay ku sugnaayeen oo ay ka socotay xaflad loogu dabaal degayay sanadka cusub bartamaha magaalada Mobile oo ka tirsan gobolka Alabama ee dalka Mareykanka sida ay booliisku sheegeen.

Muuqaalada TV-ga ayaa muujinayay ciidamo boolis ah ah oo ku yaacay aagga ay toogashadu ka dhacday qiyaastii 45 daqiiqo ka hor saqdii dhexe ee Sabtidii.

Ilaa hadda ma cadda magaca qofka la dilay iyo xaaladda sagaalka qof ee la geeyey Isbitaalka oo ay boolisku sheegeen.

Toogashada ayaa ka dhacday meelo dhowr ah oo uu ku jiro masraxa ugu muhiimsan ee xaflada Moon Pie Over Mobile.

Ninka toogashada geystay iyo qofka la dilay ayaa u muuqday inay is garanayeen, sida uu Taliyaha Booliska Mobile-ka Paul Prine u sheegay saxafiyiinta ka ag dhawaa goobta uu dilku ka dhacay.

Booliska ayaa sheegay iney baarayaan sababaha keenay toogashadan, iyagoo sidoo kale baadi goobaya ninka fuliyey toogashada oo baxsad ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -