Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidanka Danab

Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo aqoonsigiisa afgarashada loo yaqaano (Caato).

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in sarkaalkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyaada Gobolka Shabeellaha hoose uuna saacadihii la soo dhaafay isku soo dhiibay Ciidamadda Kumaandoska Xoogga Dalka.

“Ka dib markii uu u adkeysan waayay sida uu noo sheegay dhibaatada nololeed ee ay ku jiraan argagixisada iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu go’aansaday inuu isaga soo tago kooxdaas” ayuu yiri taliyaha.

G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa intaas ku daray sarkaalkan ay soo dhaweeyeen isla markaasna ay u gudbin doonaan Hay”adaha ku shaqada leh ee dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo gaaray Lusaka+Ujeedka

Caydiid Ali

Xabsi Qurux badan oo laga Dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jarayo

Cabdi Cade

Iran oo shaacisay iney qabatay kooxdii dilka u geysatay Mohsen Fakhrizadeh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---