DEG DEG: Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay Laascaanood iyo korontada oo la demiyey

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu caawa ka qarxay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kaasoo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo shacab hubeysan.

Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hub noocyo kala duwan leh ayaa daba socda dibad baxyadii rabshadaha watay ee ka socday magaalada maalmihii la soo dhaafay.

Daryanka rasaas xoog leh oo la isku adeegsanayio ayaa caawa laga maqlayaa gudaha magaalada, iyadoo maamulka Somaliland uu u muuqdo mid xakameyn waayey dhibaatada ka taagan magaaladaas oo dad badan lagu dilay todobaadkii u dambeeyey.

Xaalada magaalada ayaa cakiran caawa iyadoo la dembiyey korontada iyo leyrarka magaalada Ifinayey sababta lama oga, xilli xarumaha caafimaadka magaalada la jiifiyay in ka badan 100 shacab ah oo Ciidamada Somaliland toogteen kuwaasoo badankooda dhaawacyo halis ah.

Waxaa aad aad u adag in faahfaahin laga helo dagaalka caawa ka socda magaalada Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashay sababo la xiriira isgaarsiinta oo liidata iyo shacabka oo guryahooda ku xiran.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in Somaliland ay ku wareejiso maamulka Puntland, waxayna sidoo kale ku eedeeyeen ciidamada ammaanka inay ku guul-darreysteen inay soo afjaraan falalka ammaan-darro ee ka jira magaalada.

“Somaliland waxay xoog ku qabsatay Laascaanood, wayna ku guul-darraysatay inay sugto ammaanka. Waxaan dalbanaynaa inay ka baxaan,” Adaan Jaamac Oogle, oo ah afhayeenka dibad-baxayaasha ayaa u sheegay Reuters.

Dhinaca kale, waxaa dib hawada dib ugu soo laabtay qadkii internetka magaalada Laascaanood oo saaka ay jareen ciidamada Somaliland.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH..

HOOS KLA DAAWO XAALADA LAASCAANOOD EE CAAWA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -