Cabdiraxmaan Cirro oo si carro leh uga hadlay xaalada ka taagan Laascaanood baaqna diray

Musharaxa xilka madaxweynaha ku matalaya xisbiga mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa si adag uga hadlay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood iyo dilka ciidamada u geesanayaan dadka shacabka.

Cabdiraxmana Cirro ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin falcelinta ciidamada ka sameenayaan dadka carreesan ee dibad baxyada ka dhigaya Laascaanood, waxa uuna ku eedeeyay ciidamada in shacabka dil iyo dhaawac u geesanayaan.

Musharaxa ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ciidamada ka dulqaadaan shacabka magaalada Laascaanood uu sheegay in horey ula daala dhacayeen falal amni darro gaar ahaan dilalka dadka haldoorka u ah bulshada Laascaanood.

Cirro ayaa sheegay in ciidamada aminiga looga fadhiyay in ay soo qabtaan dadkii dilay xubin katirsanaa xisbiga mucaaradka oo lagu dilay Laascaanood, balse lamna filaan ku noqotay in ciidamadii shacabka iska dilaan.

“Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabo dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas, Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo” ayuu yiri Musharax Cirro.

Hoggaamiyahan katirsan mucaaradka Somaliland ayaa ugu baaqay golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland in si degdeg ah usoo faragaliyaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood kuna cadaadiyaan xukuumadda in culeeska ka qaado shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -