Ciidamada Eritrea oo isaga baxay magaalooyin waa weyn oo ku yaalla Gobolka Tigrey

Ciidamada Eritrea ee garabka siinayay ciidamada federaalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxeen labo magaalo oo kutaalla gobolka Tigrey, si loo fuliyo heshiiska xabbad joojinta oo qeyb ka aheyd in ciidamada Eritrea isaga baxaan gobolka.

Sargaal katirsan dowladda Itoobiya oo magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Eritrea isaga baxeen fariisimihii ay kaga sugnaayeen magaalooyinka Shire iyo Axum ee gobolka Tigrey.

Waxa uu sheegay sargaalkan in ciidamada Eritrea ee ka baxay magaalooyinkan ay u jiheesteen dhinaca xadka, mana cadda ilaa hadda tirada ciidamada Eritrea ee ka baxay magaalooyinkan waa weyn ay kaga sugnaayeen Waqooyiga Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa ka gaabsaday xaqiijinta ciidamada Eritrea ee ka baxay magaalooyin kuyaalla gobolka Tigrey, waxa uuna wasiirka oo arrintan wax laga weediiyay ku gaabsaday in uusan xaqiijin karin sidoo kale beenin karin.

Heshiiska xabbad joojinta ah ay gaareen dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhada TPLF ayaa qeyb ka aheyd in ciidamada Eritrea in gabi ahaan isaga baxaan deegaannada ay ka joogaan gobolka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -