Fanaaniin Soomaaliyeed oo hees cusub ka sameeyey khatarta cudurka Covid-19

Fanaanka caaanka ah ee Aar Maanta  iyo kooxda Muusig soo-saarayaasha ee Waqal Studio, ayaa daah-furay iskaashi cusub oo ay hees si wada jir ah kula sameeyeen qaar ka mid ah kuwa ugu caansan Fanaaniinta Soomaalida, si ay dadka uga wacyi-galiyaan halista uu fayraska Korona ku hayo Soomaaliya, kaasoo wali khatartiisu ay dalka ka jirto.

Heestan Iskaashiga ah waa tii ugu horeeysay oo nooceeda ah ay sameeyeen fanaaniin Soomaaliyeed ayaa waxaa qoray Cabdiraxman Fiili. Waxaana ku luuqeynaya fanaaniinta kala ah Suldan Seeraar, Hodan Cabdirahman, Cabdi Hani, Yurub Geenyo, Cabdirisaq Anshax iyo Nadiira Nayruus. Heesta iyo muuqaalka muusiga  oo ay taageertay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), ayaa dadka ku dhiiragalinaysa inay u hoggaansamaan fariimaha caafimaadka, sida in ay 2 mitir kala fogaadaan, gacmaha ay had-iyo-jeer ku dhaqaan biyo iyo saabuun iyo inay guriga joogaan hadey suuro gal tahay.

“Iskaashigan gaarka ah wuxuu isu keenay qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaalida ee ugu saameynta badan si ay dadka ugu boorriyaan inay taxaddaraan, maxaa yeelay cudurka Covid-19 wali ma dhammaan balse wuuba ka sii darayaa wadamo badan oo inoo dhow,” ayey tiri Dr Hodan Ahmed Hashi, oo muuqaalka heesta ku soo bandhigtay qaabka loo xirto Afdaboolka.  “Codkeenna oo mideysan waqti looga baahi badanyahay ma jirto maanta. Waxaana rajaynaynaa in heestani gaarka ah iyo talada iyo tilmaamaha howlwadeenada caafimaadka inay dadka badbaadin doonto, iyadoo xusuusineysa in halista cudurka Covid-19 ay wali jirto.”

Mashruucan wuxuu ka mid yahay olole ballaaran oo ay hay’adda UNDP u adeegsaneyso dhaqanka Suugaanta Soomaalida si ay dadka u gaarsiiso fariimo caafimaad oo muhiim ah, iyadoo la kaashaneysa Abwaanada, Majaajileystayaasha iyo Fanaaniinta. 

“Marnaba ma sahlana in dadka laga dalbado in ay noloshooda maalinlaha ah wax ka beddelaan si ay ula dagaallamaan cudur aan la arkayn,” ayuu yiri Jocleyn Mason, wakiilka hay’adda UNDP u fadhiya Soomaaliya. “Laakiin fanaaniinta sida Aar Maanta waxay fariimaha caafimaad u gudbin karaan si xiiso leh, taasoo dadku ku soo jiidaneysa inay dhagaystaan.

Heesta waxaa laga sii deyn doonaa idaacadaha, telefashinnada iyo baraha bulshada ay ku leeyihiin fanaaniinta, waxaana la rajaynayaa in ay gaari doonto malaayiin qof oo ku nool gudaha dalka iyo dibaddisaba. Olole kan la mid ah oo ay hay’adda UNDP sameysay, ayaa sido kale laga baahiyay idaacadaha, telefashinnada iyo baraha bulshada ayaa  gaaray in ka badan toban milyan oo qof

Mashruucan wuxuu fanaaniinta Soomaaliyeed siiyay fursad ay isugu yimaadaan oo ay ku billabaan wada-shaqayn cusub. Marka ma joojinayno hawsha, si wada jir ah ayaynu uga adkaan karnaa cudurka Covid19, waana sii wadaynaa inaan caawinno dadkeena oo aan ka qeyb qaadanno arrimaha qaranka.” ayuu yiri Aar Maanta.

- Advertisement -