Dibad baxyo rabshado wata oo maanta mar kale ka socda Laascaanood iyo rasaas la maqlayo

Waxaa maalintii shannaad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socda dibad baxyo waa weyn oo rabsahado wata, kuwaa oo ay dhigayaan shacabka magaalada degan oo kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Dibad baxayaasha oo u badan dhallinyaro ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada ammaanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaa oo dhankooda shacabka ku ridaya rasaas nool nool.

Waxaa maanta inta badan xiran goobihii ganacsi ee magaalada Laascaanood, waxaana magaalada ka socda dibad baxyo xooggan oo dadku uga soo horjeedaan ciidamada iyo maamulka Somaliland ee jooga Laascaanood.

Isbitaalada kuyaalla magaalada Laascaanood ayaa ah kuwa mashquul ah, waxaana halkaasi la geeyay dad ku dhaawacmay dibad baxyada rabshadaha wata ee maalintii shannaad ka socda magaalada Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Laascaanood ugu baaqay in xaalada dejiyaan, waxa uuna wasiirka codsaday in dhibaatada jirta wadahadal laga galo lana raadiyo xal aan rabsho aheyn.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa laga cabsi qabaa in faraha ka baxdo, waxaana magaaladaasi u dhaqaaqay gurmadyo ka kala baxay magaalooyin kala duwan ay kamid yihiin Garawe iyo Buuhoodle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -