Madaxweyne Buhari oo Amar ka soo saaray dilkii loo geestay Haweeney Qareen ahayd

Madaxweynaha dalka Nigeria, Muhammadu Buhari waxa uu shalay oo Talaado ahayd ku amray Taliska Boliska Nigeria (The Nigerian Police) inay qaadaan Falka ugu xoogan, uguna macquulsan oo ka dhan ah Askartii Boliska ee la sheegay inay dileen Qareen Omobolanle Raheem oo fadhigeeda ahaa magaalladda Lagos.

Madaxweynaha waxa uu Qoyska Haweeneyda la dilay iyo xubnaha Ururka Qareenada Nigeria u ballan qaaday inay Cadaaladda adkaan doonto, oo Kiiskaasi la marsiin doono.

Madaxweyne Buhari ayaa hadalkaasi ku sheegay Hadal-qoraal oo uu saxiixay Afhayeenkiisa, Garba Shehu oo cinwaan looga dhigay: “Madaxweyne Buhari oo cambaareeyey dilkii Omobolanle Raheem iyo inay waajib tahay in Caddaalad la sameeyo.

Dhanka kale, Hooyada dhashay Haweeneyda la dilay ayaa Saxaafadda u sheegtay Isniintii la soo dhaafay inuu Gabadheeda dilay Askari lagu magacaabo Drambi Vandi oo ka tirsan Saldhiga Boliska The Ajiwe Police Station ee Gobalka Lagos.

Waxay intaasi ku dartay in Gabadheeda la dilay ay ahayd Xaamilo dhali lahayd 2 mataano ah, iyadoo ahayd Hooyo horey u dhashay gabar haatan 5 jir ah.

Wargeyska PUNCH Metro ayaa qoray in Askariga dilka geystay (Drambi Vandi) iyo Koox Askar kale isku dayeen inay joojiyaan Gaari ay la socdeen Haweeneyda la dilay ee Omobolanle Raheem Raheem xubno qoyskeeda ah, xilli ay ka soo leexanayey Goolad ama Jiiro ku hoos taalla Buundada Ajah Bridge.

Rasaas ayaa waxay ku dhacday Omobolanle Raheem, waxaana dhaawaceeda loola cararay Isbitaalka oo ay ugu dambeyntii ku geeriyootay.

Askariga Dilka geystay waxa uu qirtay inuu si kedis ah u riixay Keebka Qorigiisa AK-47 oo uu horey u cabaysnaa, taasi oo keentay inay ka fakato rasaastii dhuunta qoriga raacsanayd, taasi oo haleeshay Qareenada u geeriyootay.

Askariga dilay Qareenada ayaa lagu waday inuu Hawlaha ciiddanka ka fariisto sanadka 2024-ka ,Sarkaalka Boliska Gobalka Lagos ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, Benjamin Hundeyin ayaa sheegay in 2 Askari oo kala xiray Eedeysanaha la sii daayey, kaddin, markii ay ku markhaati fureen inuu isaga geystay.

Si kastaba ha ahaatee, Haweeneyda la dilay ee Omobolanle Raheem ayaa ahayd qof Masiixi ah, oo xilligii la dilay ku mashquulsanayd Adeega dabaaldega sanadka cusub ee Miilaadiyada ee 2024-ka.

W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -