Maalinta iyo Saacada la fulinayo Dilka ragii kufsaday kadibna Dilay Caasho Ilyas oo la shaaciyay

Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa shaacisay saacada iyo maalinta xukunka dilka ah lagu fulin doono sadex nin oo lagu helay in dil iyo kufsi naxariis daro ah u geesteen Caa’isha Ilyaas oo aheyd gabar 12-sano jir aheyd.

Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ayaa isku raacay in xukun dil ah lagu fuliyo sadex nin oo lagu helay in iyagu ka dambeeyeen kufsiga iyo dilka Gabadha yar loogu geestay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyay in xukunka dilka ah sadexda dambiile lagu fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, lagana toogan doono magaalada Bosaaso.

Sadexda nin ee lagu helay Dambiga dilka iyo kufsiga laguna fulin doono xukunka dilka ayaa kala ah C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige, labo kamid ah ragan ayaana ah walaalo wada dhashay.

Dilka iyo kufsiga loo geestay Caa’isha Ilyaas oo aheyd 12-jir wax ka dhiganeysay Iskuul kuyaala magaalada Galakacyo ayaa si weyn u xanuunjiyay qalbiyada dad badan oo Soomaaliyeed , waxa uuna falkaasi noqday mid si weyn loo wada cambaareeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -