Tuuladii u dambeysay gobolka Sh/dhexe oo ka baxday gacanta Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada XDS iyo kuwa degaanka ayaa maanta Al-Shabaab ka saaray Tuulada Hilowle gaab oo ah Tuuladii u dambeysay gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka joogeen kooxdaas

Tuulada Hilowle gaab ayaa waxay ku taalla Xuduuda Galgaduud iyo Sh/dhexe, waxayna u dhexeysaa degaanada Mesegewaay Ruun Nirgood iyo Masagawaay

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Tuulada Hilowle gaab aysan ka dhicin wax dagaalo ah ka dib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo ka war helay duulaanka ku soo wajahan.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa gaaray tuulada Hilowle gaab wax yar ka dib markii ay gaareen ciidamada XDS iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya.

Guud ahaan Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa hubeysan ee degaanka, waxaana haatan wixii ka dambeeya ay ciidamadu sheegeen iney ku wajahan yihiin degaanada Al-shabaab ka joogaan gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -