Faah faahin kasoo baxeysa dil saakay loo geestay Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo biskoolado ku hubeesan saakay meel aan ka fogeyn saldhiga booliiska Afgooye ku dileen mid kamid ah nabadoona ugu caansan degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in nabadoon Aadan Abshir Maaddeey la dilay xilli uu ku sugnaa banaanka gurigiisa uuna doonayay in uu raaco mooto bajaaj , hasa ahaatee mootadii uu gacanta u taagay rag hubeesan oo kasoo degay ayaa dilay nabadoonka .

Kooxdii dilka geesatay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsatay, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ka howlgasha Afgooye oo bilaabay baaritaano ku aadan dilkaasi iyo ciddii ka dambeesay.

Nabadoonka maanta lagu dilay degmada Afgooye ayaa kamid ah waxgaradka ugu caansan ee ku dhaqan degmadaasi, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkaasi iyo sababta ka dambeesay.

Degmada Afgooye ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheesan iyo qaraxyada ka dhacaya qeybo kamid ah degmadaasi, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay degmadaasi lagu dilay odayaal badan oo caan ka ahaa degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -