Muuse Biixi oo u kuurgalay hannaanka ay u socdaan is diiwaangelinta cod-bixiyayaasha (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku gudo jira kormeer uu ugu kuurgelayo hannaanka ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu uga socoto degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta soo kormeeray qaar kamid ah degmooyinka gudaha Hargeysa ee ay shacabku iska diiwaangelinayaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeerkiisa kusoo indho indheeyey hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo indhihiisa kusoo arkay dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, kuwaas oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey sacab.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegaystay madaxda Komishanka doorashooyinka ee goobaha uu booqday maamulayey, waxana ay sheegayeen inay bulshadu si xawli ah isu diiwaangelinayso.

Qaar kamid ah deegaannada maamulka Somaliland waxaa ka bilaabatay hannaanka ay diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, xilli la dhaafay waqtigii horey loo qorsheeyay in doorsahooyinku ku dhacaan ayna diideen xisbiyada mucaaradka muddo kororsiga Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -