Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana saakay si weyn loo adkeeyay ammaanka degmadaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdgiisa oo ay kamid yihiin wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabelle iyo saraakiiil ciidan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa degmada Aadan Yabaal kulamo kula leh  masuuliyiinta halkaasi joogta iyo saraakiil ciidan, kuwaa uu kala hadlayo sidii mar kale loo bilaabi lahaa wajiga labaad howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Waxaa la filayaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh in mar kale ku baaqo dagaal cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan wali deegaanno katirsan maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan noqonaya kii ugu horeeyay uu ku tago degmada Aadan Yabaal oo kamid ah degmooyinkii Al Shabaab dagaalka looga saaray intii uu socday howlgaladii ay wadeen ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro xoogan gaarsiiyay dad isku aqoys ah oo ka dhacay magaalada Guriceel

Cabdi Cade

(Sawirro) Magaalo ku taalla dalka Rwanda oo laga qaxayo & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Daawo Video:-Qisooyinka Nabiyada “Nabi Muuse Iyo Buurtii Duur ee Alle Kula Hadlay Iyo Ushii Maska Noqotay!

admin
Taboola Ads ---