Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Jigjiga 

Waxaa saakay wax xoogaa degan xaalada magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaaladaasi la geeyay ciidamo badan oo booliis ah oo amaanka xaqiijinaya.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Jigjiga ayaa saakay lagu arkayaa ciidamo booliis ah gaar ahaan kuwa rabshadaha ka hortaga, waxa ayna ciidamadan isku dayayaan in ay ka hortagaan in magaaladaasi mar kale ka dhacaan rabshado kale.

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa inta badan saakay ku sugan guryahooda, waxaana  xiran goobaha ganacsi ee kuyaala magaaladaasi kuwaa oo ka cabsi qaba in rabshaduhu saameeyana lana boobo.

Magaalada waxaa wali ka maqan khadkii internetka , waxaana socda dadaalo badan oo lagu doonayo in xiisada lagu dejiyo, waxaana magaalada Jigjiga ku sugan siyaasiyiin iyo masuuliyiin isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan Adis Ababa ka tagay.

War kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in miltariga uu qaadi doono tallaabo kasta oo looga hortagayo in rabshado hor leh ay ka qarxaan dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga waxaa ku dhintay dad gaaraya 10-qofood, waxaa sidoo kale magaalada ka dhacay boob loo geestay bangiyo iyo goobo ganacsi ay lahaayeen dad aan Soomaali aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -