Goob uu ka Khudbeenayay Madaxweyne Caan ah oo la weeraray (Daawo Sawiro) 

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa lagu weeraray goob uu khudbad ka jeedinayay Madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolas Maduro, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dhaawacyo u badan.

Madaxweyne Nicolas Maduro, ayaa xiliga weerarka dhacayay waxa uu jeedinayay khudbad si toos ah looga daawanayay Telefishinka, waxaana la sheegay in Madaxweynaha wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin weerarkaasi.

Muuqaalo la duubay ayaa laga arkayay Madaxweynaha iyo dad kale oo ka agdhawaa oo argagax qaaday kadib markii qaraxyo lagu soo weeraray, Ilaalada Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku cararay darbiyada si ay u bad baadaan.

Inta la xaqiijiyay todobo askari oo katirsaneyd ilaalada Madaxweynaha ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, waxaana weerarka ka bad baaday oo goob nabdoon la geeyay Madaxweyne Maduro.

Wasiirka Warfaafinta dalka Venrzuela oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu nabad qabo, waxa uuna intaa raaciyay in weerarka kadib Madaxweynaha shir gudoomiyay Shir deg deg ah ay yeesheen Golaha Wasiirada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -