Allbanaadir.com
NEWS

Dowladii Sadexaad oo Safaarad ka furatay Magaalada Barakeysan ee Qudus (Daawo Sawirro)

Dalka Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Madaxweyne Horacio Cartes ayaa xafladdii furitaanka ka sheegay in go’anka saafaraddooda looga soo raray Tel Aviv, loona keenay Qudus, ay tahay “mid taraiikhi ah”, oo xoojineysa xiriirka Paraguay iyo Israel.

Ra’iisul wasaraaha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey go’aanka Paraguay.

Toddobaadkii tagey, dowladda Mareykanka ayaa noqotay tii ugu horreysay ee safaaraddeeda Israel usoo rarta Qudus, ayada oo fulisay ballan-qaad uu ololaha doorasho ku sameeyey madaxweyne trump.

Laba maalmood kadib, Guatemala ayaa safaaraddeedii Tel Aviv u rartay Qudus.

Falastiiniyiinta ayaa si xooggan u cambareeyey tallaabooyinkan. Waxa ay sheegeen in Bariga Qudus ay tahay caasimadda dalka mustabalka ee Falastiin, hase yeeshee Israel ayaa u aragta Qudus, oo aan kala qeybsaneyn caasimadeedda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Cumar Filish oo ku dhawaaqay go’aan cusub & Mungaab oo ka hadlay xaqiiqada Xamar taalla

admin

Ciyaal weero dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse Barre oo kulamo xasaasi ah ka wada Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---