Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

R/Wasaare Kheyre iyo Wafdi la socda oo saakay ka dhoofay Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxa ayna u ambo baxeen magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa Sudan u aaday si ay uga qeyb galaan  shirka nabadeynta Dowlada iyo Mucaaradka Koofurta Sudan, waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galaya Madax kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waday in shirkan ka qeyb galo, hasa ahaatee Safarka Madxaweyne Farmaajo ku tagi lahaa dalka Sudan ayaa baaqday iyadoona badalka Madaxweynaha uu Sudan u ambo baxay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu Sudan joogo la kulmi doono Madaxda dalka Sudan iyo madax kale, waxaa sidoo kale la filaya ain Ra’isul Wasaare Kheyre la kulmo jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan ,Xildhibaano iyo Odayaasha Mudulood oo Go’aano culus kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliiska Kenya oo soo bandhigay Soomaali lagu tuhmayo dilal argagax lahaa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo galabta Dagaal kula wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Cadaado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---