Haweeney Afrikaan ah oo ku guuleysatay tartanka Quruxda dunida (Sawirro)

Zozinibi Tunzi ayaa loo caleema saaray haweenayda ugu quruxda badan caalamka. (Miss Universe).

Haweenaydan ayaa isla sannadkan loo doortay haweenayda ugu quruxda badan wadankeeda Koonfur Afrika.

Marki lagu dhawaaqay guusha Miss. Tunzi dadka Madoow ee u nasab-sheegta Qaarada Africa waxa ay bilaabeen dabaal-deg & damaashaad maadaama, ku dhowaad Qarni oo abaalmarinta Quruxda la bixinaayay ay tahay marki 2aad oo ay gabar madow ku guuleysato.

Sannadki 2011 waxaa ku guuleysatay Leila Lopez oo u dhalatay Wadanka Angola.

Waxaa kaloo xusid mudan afarta abaalmarin ee dhanka Quruxda ugu qaalisan dunida in sannad kaan 2019 ay ku wada guuleysteen Gabdho madow:

Ms Tunzi ayaa markii loo soo bandhigay su’aalaha ku jawaabtay in waxa ugu muhiimsan ee gabdhaha looga baahan yahay inay tahay barashada sida hoggaanka loo qabto.

“Waa arrin ay gabdhaha da’da yar aysan helin muddo dheer maxaa yeelay bulshada ayaa ugu tala gashay inaysan baranin. Waxa aan aaminsanahay inay dumarka yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida.” Ayey tiri.

Ms Tunzi ayaa marar badan baraha bulshada ka samaysay olole ay ku wacyigelinayso dumarka, waxayna u dhaqdhaqaaqe sidii loo joojin lahaa tacaddiyaha haweenka ka dhanka ah.

Sidoo kale waa haweenay xoogga saarta sidii ay haweenku u muujin lahaayeen uguna faani lahaaayeen quruxdooda dabiiciga ah. Xafladda oo ka dhacday Maraykanka ayaa lagu caleema saaray Miss Zozinibi.

Arrintan ayaa cashar u noqon karta Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood oo midabkoodii asalka ahaa isaga murxiyay kiimiko caafimaadka wax u dhimeysa, waxayna dhacdadan muujineysaa in quruxda dhabta ah aysan aheyn in la is cadeeyo balse ay tahay mida dabiiciga ah ee Alle u abuuray aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -