Khayre oo beri u ambabaxaya safar uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalinta beri ah ku wajahan magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Safarkan ayuu markii hore qorshuhu ahaa inuu u ambabaxo Madaxweynaha balse sababo aan la ogeyn awgeed ayuu uga baaqday, wuxuuna go’aansaday inuu u diro raisul wasaare Khayre.

Warka ayaa intaa ku daraya in Khayre uu qeyb ka noqonayo madaxda IGAD oo magaalada khartuum uga qeyb galaya munaasabad ay heshiis nabadeed ku kala saxiixanayaan dowlada iyo mucaaradka dalka koonfurta Sudan kaasoo lagu soo afjarayo colaada mudada ka aloosneyd dalkooda.

Raisul wasaare khayre ayaa munaasabadaas ka dib waxaa la filayaa inuu kulan la qaato Jaaliyada Soomaalida ee Khartuum, waxaana kulankan qabanqaabinaya masuuliyiinta safaarada Somalia ku leedahay dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -