In ka badan 60-sargaal oo katirsanaa dowlada Itoobiya oo xabsiyo lagu guray

Dowlada Itoobiya ayaa xabsiyo kuyaala dalkaasi ku xir xirtay in ka badan 60-sargaal oo dowlada katirsanaa , waxaana saraakiishan la xir xiray lagu eedeeyay in ay ku kaceen Tacadiyo iyo Musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya Berhanu Tsagaye ayaa sheegay in saraakiishan xabsiga la dhigay kadib baaritaano lagu waday mudo 5-bilood ah, waxa uuna sheegay in saraakiishan loo heesto tacadiyo ay geesteen.

Saraakiisha la xir xiray ayaa 36-kamid ah ayaa loo haystaa in ay falal xadgudubyo ah kula kaceen maxaabiis loo xiray arimo la xiriira argagixisinimo iyo kuwo loo xiray kicin qowmiyadeed, halka 27 sargaal kale loo xiray Musuq maasuq.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in dhawaan xubnahan kiisaskooda loo gudbin doono maxkamada kadib mar ay maraan baaritaano intaa ka badan si look ala cadeeyo heerka dambiyada ay galeen xubnahan la xiray.

Itoobiya ayaa tan iyo markii talada dalkaasi la wareegay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed waxaa la xir xiray saraakiil iyo masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay, kuwaa oo lagu eedeeyay tacadiyo iyo ku takri fal awoodeed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -