Allbanaadir.com
NEWS

Heyadda socdaalka DF oo xarun ka furatay Laascaanod (Sawirro)

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta xariga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda iyo socdaalka Jinsiyadda oo Laan ka furatay caasimadda Laascaanood.

Munaasibadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xubna ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil ka socotay Hay’adda qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in muwaadinka loo dhaweeyo adeegga Dawladnimo, isagoon tilmaamay in arrinkani yahay guul u soo hoyotay Shacabka SSC-Khaatumo maadaama ay deegaankooda ka qaadanayaan Baasaboorka Soomaaliyeed oo ah xuquuq Dastuuri ah u leeyihiin.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa u mahadceliyey madaxda sare ee DFS uu ugu horreeyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Dhammaan Saraakiisha kala duwan ee Haayada Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ugu horreeyo Agaasimaha Guud ee hay’adda oo si weyn uga shaqeeyay dhismaha iyo dhammaystirka Maamulka.

Related posts

Mataano isku dhegan oo Qalliin lagu sameenayo iyo Boqor Salmaan oo taageeraya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro geestay ka fulisay Gudaha Kenya

admin

Madaxweynaha Siiriya oo booqashadii u horeysay ku tagay dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---