Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaan maanta wax shaqo ah ka socon kadib markii ganacsatadii wax kala soo degi jiray ay joojiyeen.

Ganacsatada ayaa la sheegay inay ka cabanayaan lacago cusub oo ay ku kordhisay shirkadda DP World ee maamusha dekeddaasi taasoo ay sheegeen ineysan bixin karin.

Maamulka dekeda ayaan weli ka hadlin weli cabashada ganacsatada, lamana oga inta uu socon doono hakadka ku yimid shaqadii dejinta iyo dhoofinta ee ka socday dekeda,

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadda DP World ay shaqaalaheeda kala baxayso dekedaha Berbera iyo Boosaaso arrima la xiriira dhinaca amniga sida laga soo xigtay mas’uul u hadlay shirkadda.

Magaalada Boosaaso ayaa 4tii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu dilay madaxii shirkadda P&O Ports Paul Anthony Formosa, waxaana masuuliyada dilkaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii shalay ruxay magaalada Kampala

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay & Wasiir Cawad oo warbaahinta la hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la siiyay Talo muhiim ah oo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---