Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay gudaha xarunta Degmada Dayniile

Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw qarax dhaliyay khasaaro kala duwan uu ka dhacay gudaha xarunta degmada Dayniile .

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qaraxy gudaha xarunta, waxaana gaariga qaraxa lagu xiray lahaa nin dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdisamad Cabdiwahaab .

Inta la xaqiijiyay milkiilaha gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo nin kale oo la socday ayaa ku dhaawacmay, waxaana loola cararay dhaawacyada isbitaal kuyaalla magaalada Muqdisho oo lagu daweenayo.

Maamulka degmada Dayniile iyo laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin qaraxan ka dhacay degmada Dayniile, waxa ayna maamulkka degmada aan la xariirnay noo sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha xarunta degmada Dayniile, waxaana horey qaraxyo miino uga dhaceen laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, kuwaa oo lala beegsaday saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro) Qaabka ciidanka Soomaalida loogu tababaro saldhiga Milateri ee Turkiga

Caydiid Ali

Xaaf oo ka qeylo-dhaamiyey dhaqaale la’aan heysata Maamulkiisa, eedeynna u jeediyey DF

Caydiid Ali

Turkiga iyo South Africa oo Safiiradooda kala baxay Isra’il iyo Madaxweyne Erdogan oo … 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---