Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga iyo South Africa oo Safiiradooda kala baxay Isra’il iyo Madaxweyne Erdogan oo … 

Qaar kamid ah Dowladaha Caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay dadkii banaan baxayay ee shalay laayeen Ciidamada maamulka Isra’il, waxaana dowladaha qaar bilaabeen in safiiradooda kala baxaan Isra’il.

Madaxweyne Tayyib Erdogan oo Isra’il ku tilmaamay argagaxiso, waxa uuna  ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroordiiq ah dadkii lagu dilay Gaza, isagoona isugu yeertay dalalka Islaamka (OIC) in kulan deg deg ah isugu yimaadaan.

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale u yeertay Safiiradooda joogay Isra’il iyo Mareykanka, kadib xasuuqii shalay Ciidamada Israa’il u geesteen dadkii ka banaan baxayay Safaarada Mareykanka ee laga furayay Qudus.

Dhinaca kale Dowlada Souh Africa ayaa iyana kala soo baxday Israa’il safiirkoodi, waxa ayna dowlada South Africa si weyn uga carootay dadka shacabka ah ee sida xaqdarada ah loo laayay.

Ciidamada Isra’il ayaa dilay dad ka badan 55-qof oo Falasiiniiin banaan baxayaal ahaa, waxaa sidoo kale la dhaawacay dad ka badan kun qof, dadkan la laayay ayaa ka careesnaa Safaarada Mareykanka ka furatay magaalada Barakeesan ee Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 21 Milyan Dollar oo laga xaday Qasnada dowladda iyo Xeer Ilaalinta oo loo gudbiyay …

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---