Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro) Qaabka ciidanka Soomaalida loogu tababaro saldhiga Milateri ee Turkiga

Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho oo lagu tababaro Ciidamo Soomaali ah ayaa waxaa markii ugu horeysay la soo bandhigay qaabka uu halkaas tababarku uga socdo.

Weriyeyaal ka socday Warbaahinta Turkiga oo dhowaan yimid Somalia ayaa booqday saldhigaas, iyagoo ka diyaariyey muuqaalo iyo warbixino kala duwan.

Ciidamada la tababarayo ayaa sameynaya dhoolatusyo kala gedisan oo la xiriira xirfadaha milateriga, waxaana xusid mudan in qoryaha iyo hubka loo adeegsanayo tababarka dhamaantood lagu farsameeyey dalka Turkiga.

Saldhigan oo ah mid casri ah oo ay ilaalo xoogan ka hayaan boqolaal ka tirsan ciidamada Turkiga ayaa u kala baxa qeybo kala duwan oo isugu jira fasalo lagu barto casharada milateriga meelo laga cunteeyo, qolal la seexdo, goobo tababarka loogu talo galay, meelo lagu madadasho iyo qeybo kale.

Hoos ka daawo sawirada ciidanka Soomaalida iyo habka loo tababaro

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo hal arrin ugu goodiyey Yurub, haddii ay fulin waayaan dalabkiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen

Cabdi Cade

Askari ka baxsaday xabsi kuyaalla London oo lasoo qabtay iyo lacag la siinayo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---