Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaaf oo ka qeylo-dhaamiyey dhaqaale la’aan heysata Maamulkiisa, eedeynna u jeediyey DF

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka inay cunoqabatayn saartay kana xanibtay dhaqaalihii ay siin jirtay iyo kuwii caalamku ugu deeqay.

Xaaf ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalihii ay ku dhisan lahaayeen ciidamo Boolis laga joojiyay ayna dowladu 19kii bilood ee ugu dambeysay cadaadis ku haysay Maamulkiisa.

“Dowladda Federaalka dagaal ayay nagula jirtaa dhaqaalihii waa nagala jaray, maalin walba Guddi federal ayaa naloo soo diraa kuwaasoo Galmudug burburinaya” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo khilaafkan adag uu kala dhexeeyo dowlada dhexe.

“Beesha caalamka waxaan u cadeynaynaa in hantideena la cunoqabateeyay labada lugood iyo labada gcmood ayaan ka xiranahay.”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xaaf oo dhinaca kale dhaliilay wafdi dowlada federalka u dirtey magaalada Cadaado kaasoo uu hogaaminayey Wasiirka arrimaha Gudaha, waxaana wafdigan ay ka qeyb qaadan doonaan xalinta dagaal beeleedyada ka socday maalmahan degaanka Kaxandhaale.

Xaaf ayaa sheegay inaan lagala tashan wafdigan isla markaana lacago badan lagu qarash gareynayo dayuurado.

“Odayaashii iyo ciidamadii wixii aan haynay waan geynay Kaxandhaale, labo beel oo isku dhacday in dayuurado iyo wafdi loo soo diro waa arrin ugub ah.”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo dhinacyada ku dagaalamaya gobolada dhexe iney colaada joojiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu soo kordhiyey amarkii Xamse ku soo rogay shaqaalaha aan soo xaadirin ee DF?

Caydiid Ali

Maamulka Gobolka Banaadir oo bur burin ka sameeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

R/W Xamse Barre iyo Xasan Sheekh oo isla gartay Xubnaha kamid noqonaya Golaha Wasiirada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---