Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hadal ay jeedisay Gabadha Madaxweyne Ruto oo dhaliyay Hadal heyn iyo Dhaleeceyn

Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa xafiis ay sheegtay in ay leedahay gabar uu dhalay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, waxaana dadka qaar si weyn u dhaleeceeyeen xafiiska gabadha u furan.

Waxa ay dadku aamini layihiin in uu jiro xafiis gaar ah oo ay leedahay gabadha madaxweynaha dalka Kenya, waxa ayna dadku isweediinayaan waxa uu qabto xafiiskan iyo sababaha loo furay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay gabadha madaxweynaha Charlene Ruto, oo ka hadlaysa shir lagu qabtay dalka Tanzania iyada oo soo bandhigtay inuu jiro xafiis loo asteeyay iyada.

Gabadha Madaxweyne Ruto ayaa markii ay sheegtay in uu jiro xafiis iyada loo asteeyay ayaa mar qura waxaa sacbiyay sidoo kale qoslay dadkii munaasabadda joogay, waxa ayna gabadha ku tiri dadkii qoslayay’ “Ma fahmin, maxaa lagu qoslayaa”.

Dalka Kenya sharciga ka jira ayaan lagu cadeyn jiritaan xafiis gaar ah oo loo sameeyo gabadha madaxweynaha, waxa ayna dadka Kenya qaarkood dhaleeceeyeen xafiiskan cusub ay sheegtay in loo furay gabadha madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Maraykanka oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhiga Bali-doogle

Caydiid Ali

Dacwad ka dhan ah danjire Keating oo loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (Akhriso)

Caydiid Ali

Hantidhowrka guud oo soo bandhigay magacyada Masuuliyiin la maqan gaadiid dowladda leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---