Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Deegaano horey looga qabsaday (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay dib ula wareegay deegaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay.

Deegaanadan oo maalmo kahor la wareegeen Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore waxaa weerar ku qaaday ciidanka dowladda, waxaana deegaanka isaga baxay kooxdii Al Shabaab kahor inta aysan ciidanka dowladda soo gelin.

Saraakiisha milatariga ee ciidankan hoggaaminaya ayaa sheegay in ciidamada si buuxda gacanta ugu hayaan labadan deegaan oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo iskuna xira magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakada.

Al Shabaab ayaa marar badan qabsatay deegaannada Daynuunay iyo Moodo Moodo, lamana oga in ciidanka saakay dib ula wareegay deegaannadan sii joogi iyo doonaan iyo in ay dib uga bixi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -