Jeneraal Biixi oo Odayaasha Aadan Yabaal ugu baaqay in gabdho u guuriyaan Ciidamada la jooga

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe kula hadlay xaruntii madaxtooyada u aheyd Al Shabaab ee Villa Aadan Yabaal.

Jeneraal Biixi ayaa ugu baaqay odayaasha iyo dhallinyarada degmada Aadan Yabaal in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka dulqaaday kooxda Al Shabaab uu sheegay in ay dhibaato ku hayeen shacabka degmada.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee la wareegay degmada Aadan Yabaal aysan marnaba dib u laaban doonin, waxa uuna cadeeyay in ciidamada ka go’an tahay in ay horey u socdaan oo la wareegaan deegaano hor leh.

Taliyaha ayaa odayaasha dhaqanka degmada Aadan Yabaal ka codsaday in ciidamada amnigooda sugaya ee ka dulqaaday Al Shabaab in gabdho u guuriyaan si aysan ciidamada uga tagin halkaasi ugana dhigtaan deegaan.

” Waan ognahay in maalin walbo nimankii halkan laga eryay idin soo wacaan oo idin weediiyaan xogteena, waana naqaan kuwa xogta siiya iyo kuwa warkooda iska diida, nimankaas waa cadaw yaan lasoo dhaweysan, ciidanka halkan kama laabanayana wa aidinla joogayaan ee gabdho u guuriya” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Jeneraal Biixi ayaana ugu baaqay odayaasha iyo dadka deegaanka Aadan Yabaal in ay iska soo xulaan ciidan deegaanka ah oo ammaanka xaqiijiya sidoo kale qeyb ka noqda howlgalada dalka looga saarayo Al Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay degmada Aadan Yabaal, waxaana degmadaasi dib ugu soo laabtay qaar kamid ah dadkii shacabka ahaa ee horey uga barakacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -