Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo la kulmay Mehmet Yilmaaz si weyna ugu mahadceliyay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.

Duqa Muqdisho iyo Safiirka Turkiga ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keeda kaalinta ay ka qaataan dib usoo kabashada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic badan oo hurumarineed ka fulisay magaalada Muqdisho, waxa ayna dhiseen Turkiga laamiyo badan oo horey u bur bursanaa iyo sidoo kale goobo caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Somaliland oo faah faahin ka bixiyay askarigii dilay aabihiis iyo sida laga yeelayo

Cabdi Cade

Isku dhac dhax Muqdisho ku dhax maray ciidamada Amniga iyo Arday galeysa Imtixaanka Shahaadiga

Cabdi Cade

Congresska Maraykanka oo si kulul uga hadlay hadaladii cunsuriyada ahaa ee Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---