RW Xamse oo labo Wasiir ka gudoomay ballanqaadka qorshaha Waxqabad (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka guddoomay ballanqaadka qorshaha waxqabad Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige.

Xamse ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda.

“Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa muhiim, iyadoo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, sii guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh Xukuumadda DanQaran” ayuu yiri raisul Wasaaraha.

“Waxaa si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, iyadoo lagu jaangoynayo Barnaamijka Xukuumadda ee Sanadka 2023, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska RW Xamse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -