Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Guddoomiyaha Aqalka Sare oo wareegto ku Magacabay Xoghaye Guud

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa u magacaabay xilka Xoghayaha Guud ee Aqalka sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, markii uu tixgeliyay aqootiisa iyo waayo-aragtimadiisa shaqo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC iyo Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare sSenator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa Sanatarrada u faahfaahiyay qodobada Xeer-hoosaadka ee ay wax ka bedelka, toosinta iyo sixitaanka ay ku sameeyeen..

Senator Saed Abdi Hussein (Cawke) ayaa ka mid noqday xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka JFS, kadib markii maanta uu Golaha Aqalka Sare ka helay codka kalsoonida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah

Cabdi Cade

Haweeneyda ugu afka weyn Haweenka Caalamka oo la shaaciyey (Sawirro)

Cabdi Cade

Markabka Oruç Reis oo shaqadiisa ka bilaabay Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---