Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya: Dad hor leh oo laga helay Coronavirus & Uhuru Kenyatta oo amaro soo rogay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya dalka Kenya labo ruux oo qaba Cudurka halista ee Coronavirus ayaa laga helay gudaha dalkaas iyadoo laga cabsi qabo inuu sii faafo.

Labadan qof ee cusub ayaa tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalka Kenya ka dhigeysa 3 ruux, kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay Haweeney Kenyan ah oo ka timid dalka Mareykanka laga helay cudurkan.
Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Goor dh warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay go’aano Cusub oo la xiriira ka hortaga cudurkan dalkiisa ku sii faafaya.

Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyey in la xiro dhamaan iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalkaas, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo inuu sii faafo Cudurka Coronavirus.

Coronavirus ayaa haatan ku sii faafay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 5,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay la ildaran yihiin, waxaana maalin walba la soo sheegaa dalal cusub oo uu cagaha dhigtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo soo fara geliyey khilaafka Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Fadeexo lasoo daristay Xildhibaanka ugu awooda badan Baarlamaanka dalka Kenya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Wadahadalo u socday Madaxweyne Deni iyo Kuxigeenkiiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---