Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo xiray xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduudaha ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka.

Meelaha uu howlgalkaas saameeyey waxaa ka mid ah tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis.

Waxaa howlgalladaas lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar la leeyihiin al-shabaab sida lagu sheegay war laga baahiyey idaacada ku hadasha codka dowlada ee radio Muqdisho.

Sidoo kale ciidanka hey’adda NISA ayaa la sheegay iney howlgalladaas ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysan jireen al-shabaab deegaanadaas laga saaray.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab inta kooxdaas laga ciribtirayo guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Shaaciyay Go’aan adag oo ay Al Shabaab gaareen Baaqna diray

Cabdi Cade

Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale

Caydiid Ali

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Cabduqaadir Maxamuud Cali (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---