Faahfaahin: Taliyihii ciidanka Nabad sugida NISA ee gobolka Gedo oo qarax lagu dilay

Taliyihii ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolkaas.

Qaraxa lagu dilay Bakaal Kooke ayaa ka dhacay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq ee gobolka Gedo sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Bakaal Kooke Qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-alle oo 5 KM u jirta Luuq.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee la soo dhaafay wuxuuna ka mid ahaa saraaklishii firfircoon ee NISA.

Taliyaha la dilay ayaa maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka Gedo, taas badalkeeda dowladda dhexe ayuu toos uga amar qaadan jiray maamulkiisa gaar ahaan dowladii Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -