Dowladda Somalia oo War ka soo saartay go’aanka dib loogu dhigay dacwadii Badda

Dowlada federaalka Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ka soo baxay Maxkamada ICJ ee mar kale dib loogu dhigay dacwadii badda ee Somalia iyo Kenya oo loo balan-sanaa bisha soo soo socota ee Juun.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka ayaa go’aanka Maxkamada ku tilmaamay wax lala yaabo.

“Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda” ayuu yiri RW ku xigeenka Somalia.

Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidaneyd dib u dhigista dacwadda oo kenya ay ku guuleysatay mar kale.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay, iyadoo muddo xileedka madaxda hadda ka talisa DF uu ku eg yahay 8-da Febraayo oo ah bisha ka horeysa xiliga Maxkamadu u mudeysay dacwada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -