Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh u aqbashay Codsigii ka yimid maamulka Falastiin

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay  ayaa shalay Jimco aheyd waxa ay u codeeyeen codsiga Falastiin ee xubinnimada buuxda ee Qaramada Midoobay, waxa ayna tallaabadi guul weyn u tahay dowladda iyo shacabka Falastiin.

Codsiga Falastiin ku dooneysay in xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay waxaa u codeeyay 193-da dal ee xubinta ka ah Qaramada Midoobay, waxaana ogolaaday in Falastiin xubin ka noqoto QM 143 dal, waxaa diiday sagaal dal ,halka ay ka aamuseen 25-dal.

Qaraarkan ayaanan Falastiin siineyn aqoonsiga xubinnimada ee Qaramada Midoobay, waxa ayna wali u baahan tahay Falastiin si xubin rasmi ah uga noqoto QM in ay qaraarkan ay  ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntan Golaha Guud ee QM ayaa timid, kadib, markii ay dowladda Maraykanka bishii hore diidmada qayaxan ee VETO u adeegsatay codeyntii Golaha Ammaanka ee QM ee codsiga aqoonsiga Falastiin iyo xubinnimada Qaramada Midoobay.

Falastiin ayaa heli doonta xuquuqo dheeraad ah oo aysan horay u heysan, laga billaabo bisha September ee sannadkaan 2024-ka, waxa ayna kursi ay ku yeelan doonaan hoolka Golaha Guud, laakin cod kuma yeelan doonaan golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dabaaldega Xuska sanadguurada Puntland oo saaka ka socda Garowe

Caydiid Ali

In ka badan 20 Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska Dowladda Soomaaliya (Fadlan ka Faa’iideyso)

admin

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Abaanduule Cabdi Maxamed Suulnuuge

Cabdi Cade
Taboola Ads ---