Saameynta uu Somalia ku yeelan karo cabsida laga qabo inuu xumaado dhaqaalaha dunida?

Waxaa cabsi weyn laga qabaa inuu aad u xumaado dhaqaalaha adduunka oo saameyn weyn ku yeelanaya lacagta Soomaalida dibeda ku nool ay u soo diraan dadkooda ku nool wadanka gudihiisa. Sidaas si la mid ahna waxey dhaqaale xumo la soo dersi kartaa dowladda Soomaaliya oo inta badan miisaaniyadeeda mashruucyada dib u dhiska haydaha dowladda iyo badeecadooyinka maciishada nolosha dadka ay ku tiirsan tahay oo intuba aad ugu xiran ku tiirasanaanta kaalmada shisheeyaha.

Dhaqale xumadaas oo laga yaabo iney Soomaaliya u horseedo degenaansho la’aan amni, qalalaase siyaasadeed, iyo dagaal sokeeye. Dagaalka lagula jiro Alshabaab wuxuu hoos u dhigayaa xasilooni la’aanta amniga, wuxuuna dhiirogelinayaa in hayadaha amniga iyo cadaaladu ay si xoog leh u gutaan waajibaadkooda ay u xilsaaran yihiin, laakiin ismaandhaafka siyaasadeed ee lugaha la gelaya cadowtooyada oo horseedi kara inuu dhaco dagaal sokeeye ayaa u baahan xal barbar socda la dagaalanka Alshabaab.

Khilaafka dhaliya qalalaasaha siyaasadeed oo ah midka ugu halista badan ayaa si dhibaatooyinkiisa looga badbaado waxaa loo baahan yahay in la qaado tilaabo lagu xakameynayo mudo xileedka xildhibaanada oo inta badan caalamka ka ah laba sano, meesha Soomaaliya ay ka tahay afar sano. Taas waxey yareyneysaa hanjabaada joogtada ah oo wakhtiga dheer qaadaneysa oo ay xildhibaanadu maanoboolyo ahaan ugu haystaan madaxda sare ee dowladda. Sidaas si la mida waxaa nafisaya shacabka oo rumeysan in xildhibaanada magacooda siyaasadda ku metelaya aysan intooda badan ku imaan rabitaanka codkooda, balse ay ku yimaadeen laaluush ay madaxda dowladdu ku soo saarteen. Xildhibaanada ayaa ah awood aan lahayn siyaasad leh sal fadhisa oo waxey markasta hamigoodu yahay iney baad joogto ah iyo naasnuujin aan xuduud lahayn ay ku haystaan madaxda sare ee dowladda, haddana isla markaas ay saldhig u noqdaan mucaaradnimo ay ku duminayaan dowladda jirta oo ay ku dhisayaan dowlad cusub iyo madax cusub si ay xilkooda ku sii joogi karaan marka uu mustaqbalka dhaco isbedel madaxeed.

Dhibaatada ka taagan in xilalka dowladda lagu qeybsado awood beeleed (4.5), waxey dhalisay in madaxda maamul goboleedyadu ay u xuubsiibtaan madax dhaqameedyo shacabka ay xukumaan ay ku doonayaan dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan iney noqdaan cida keliya ee metelaadaas qaadaneysa heer degaan iyo heer qaranba, habdhaqankaasna wuxuu markasta sababaa ismaandhaafyada siyaasadeed ee soo kala dhexgala madaxda dowladda sare iyo kuwa maamul goboleedyada, waxeyna madaxda dowlad goboleedyadu si joogto ah uga dalbadaan iney awooda madaxda dowladda sare la wadagaan, meesha aysan ogolayn madaxda sare iney soo farageliso awoodahooda gaarka u ah ee maamulka dowlad goboleedyadooda. Dhibaatadaas waxaa looga bixi karaa in lagu dhiirado burburinta nidaamka ku dhisan 4.5, waxeyna tilaabadaas awood siineysa, una horseedeysaa madaxda saree e dowladda iney hawlwadeenada la shaqeynaya ku soo xushaan kartidooda, aqoontooda iyo waayoaragnimadooda.

Lafdhabarka Soomaaliya waa dadka iyo degaanka ku nool Koofurta dhexe oo dhaqaale ahaan, ciidan ahaan, iyo siyaasad ahaan dalka ku leh miisaan culus, sidaas daradeed waxaa haboon in mudnaanta kowaad la siiyo dhismaha maamuladooda iyo dhowrista xuquuqahooda deegaan, taas oo degenaansho amni iyo xasilooni siyaasadeed siineysa maamulada ay goboladoodu ku wareegsan yihiin magaalo madaxda Muqdisho, islamarkaasna xasiloonida caasimadu ay ku xiran tahay degenaanashahooda amni iyo xasiloonidooda siyaasadeed. Shacabka degeenadaas oo hela xuquuqdooda rayid oo ay si madaxbanaan isugu maamulayaan waxey meesha ka saareysa dulsaarka qowsaarada ku qaraabanaya magaca dowladda iyo qadiyadda 4.5ka lagu xeeladeeysto awood ku qabsiga siyaasadeed ee lagu dulmiyo dadka degaanadooda dowladdu ka qaado canshuurta islamarkaasna hantidaas dadweynaha lagu waxyeeleeyo amnigooda, ganacsigooda, iyo u madaxbanaanida ismaamulkooda siyaasadeed.

Dadka laga tirada badan yahay meel kasta oo ay ka joogaan adduunka waxey mudan yihiin in la ixtiraamo xuquuqdooda, balse intooda badan waxey fursad ka dhex raadiyaan hertenka u dhexeeya muxaafadka iyo mucaaradka ama halganka u dhexeeya wadaniga iyo shisheeyaha gumeysi doonka ah, waxeyna noqdaan kuwa ugu dulmiga badan oo loo adeegsado dhibaateynta dadka tirada badan ee markaas isticmaarku gumeysanayo ama awooda dowladda ay taageersan yihiin ugu geysanayaan gaboodfalo iyo borobagaando lagu waxyeeleynayo karaamada shaqsiyada dadka. Marka ay dhacdo dowladda ay u isticmaalayeen waxyeeleynta dadka ama ay qaraxdo fidnadii ay xasaradeeda shidayeen, ayaa waxaa soo gaara waxyeelada ugu weyn oo burburisa sharafkooda, maalkooda, iyo naftooda, waxeyna dadka iyo dalka ugu dambeyn ku reeban dagaal sokeeye oo dadka tirada badan ay dhibaato ugu geystaan dadka laangaabka ah, iyadoon cidina loo kala saarin dadkii wanaagsanaa iyo kuwii fidno wadeyaasha ahaa.

Waxey abaabulo isdaba jooga ay ka socdaan xaruumaha wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxeyna tahay ujeedadu in dadka laga tirada badan yahay ay dib u helaan awoodii ay sida qaldan nasiibka ugu heleen, iyagoo ka faa’ideysanaya niyad wanaaga ay qabeen dadka tirada badan, balse niyad wanaagaas awgeed ay bedelkeeda kala kulmeen waxyeeleyn iyo masiibooyin qorsheysan oo loo geystey. Guulwadeynta ay u sameeyaan dadka laga tirada badan yahay hogaamiyeyaasha xun waa mid ku lamaansan diin iyo wadaniyad been ah oo dadka lagu mariin habaabinayo, waxeyna taas bedelkeeda hoosta ku wataan fidnooyin ay ka soo ergeysteen shisheeye iyo sokeeye nacab kalkaaliye ah oo ay ugu adeegayaan sidii ay taas bedelkeeda uga helaan iney gacan ku siiyaan awooda ay xukunka dalka dib ugu qabsan lahayeen. Dhalanteedka ay abaabulaan dadkaas laangaabka ah waxaa ku soo xirta maangaabyada, aqoongaabka iyo qowsaarada dhuuniraaca ah ee ka tirsan dadka tirada badan.

Dowladda Soomaaliya waa iney ka tashataa dhibaatooyinka ku soo food leh adduunka oo saameynta taban ku yeelan kara horumarinta dimoqaraadiyada Soomaaliya oo tilmaan wanaagsan ka bixineysa in dadka tirada badan ay yeeshaan talada iyo hogaaminta dalka, inta laga tirada badan yahayna la ilaaliyo xuquuqdooda ah iney dalka si xora ugu noolaadaan dulmi la’aan, balse laga horistaago cadowtooyada ay dalka iyo dadka dowladnimadooda ay ku baabi’nayaan, iyagoo daneynaya si walba oo ay ku gaari karaan sidii ay hogaaminta dalka uga ag dhowaan lahayeen oo ciilka iyo cuqdada ay qabaan ugu aarsan lahayeen awooda dowlada iyo hantida qaranaka oo ay ku takrifalkeeda ku soo xareystaan xer ugu sacab tunta beenhawaasnimadooda.


W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ahFikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

- Advertisement -