Allbanaadir.com
NEWS

Hindiya Oo Deeq Caafimaad Ku Wareejisay Dowladda Somalia (Daawo Sawirada)

Dowladda Hindiya  oo kamid ah dowladaha xeriirka dhaw la leh Soomaaliya ayaa deeq kala duwan  ku wareejisay Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxaana deeqda ay isugu jirtay daawo iyo lacag.

Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Ms. Suchitra Durai oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho ayaa deeqdaasi oo ka koobneyd daaawo dhan 70 Ton iyo hal Million oo doller waxa ay gudoonsiisay  wasiirka wasaaarda Caafimaadka Xukuumada Federalka Soomaaliya Drs Fowsi Abikar Nuur 18 Julay 2018.

Safiirka India u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyadoo xustay in deeqday ay ka timid Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi  Mss Sushma Swaraj si Soomaaliya loo caawiyo.

Goobta deeqda dowladda india ay ugu wareejineysay Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa xubno iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Federalka Soomaaliya gaar ahaan Mas’uuliyiin ka socotay wasaarada Caafimaadka waxaana kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda Dr. Abdullahi Haashi iyo wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqdan ay soo gaar siiyeen dowladda India oo gacan weyn ka geesaneysa in wax loogu qabto bulshada Soomaaliyeed ee u baahan daryeel iyo dabiib Caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay rag Ajaaniib ah iyo Dooman ay wateen

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood iyo Somaliland oo War kasoo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---