Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan ciidanka Dowlada oo Gaadmo lagu dilay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sadex askari oo katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan gaadmo ku dileen sadexda askari oo ku sugnaa Isgooska Ceelasha biyaha, kooxdii dilka fulisay ayaana la sheegay in goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan dowlada ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgal ay ku qab qabteen dad badan ay kaga shakiyeen in ay ku lug lahaayeen dilka askarta loo geestay.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada dilalka loo geesto askarta iyo dadka kale ee u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan si caadi ah u baxsada dableyda hubeesan ee dilalka geesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo ka hadlay Sababaha ay u hakiyeen Kaalmadii ay siin jireen Milatariga Somalia

admin

Xildhibaano badan oo loo ballanqaaday in wasiirro laga dhigayo iyo qorshaha Madaxweyne…

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo raali gelin ka bixisay falkii ka dhacay Garoonka Aadan cadde (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---