Go’aan laga gaaray kiiskii u dhaxeeyay Dowlada Jabuuti iyo DP World

Maxkamadda dhex dhexaadinta caalamiga ah ee magaalada London ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii u dhexaysay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Maxkamadda ayaa dood dheer kadib xukuntay inuu shaqaynayo heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac ee ay dawladda Jabuuti ka baxday lix bilood ka hor, waxa ayna Maxkamada meesha ka saartay go’aankii Jabuuti.

Maareeyaha Dekadaha Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi ayaa go’aanka kasoo baxay Maxkamada London ku tilmaamay mid hal dhinac u janjeera, waxa uuna cadeeyay in Jabuuti aysan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada soo saartay.

”Wax naga quseeya malahan go’aanka kasoo baxay Maxkamada London, waan diidanahay go’aanka Maxkamada waana mid hal dhinac u janjeera, go’aanka Maxkamada ma saameyn doono howlaha Dekaddaha Jabuuti” Ayuu yiri Maareeyaha Dekadaha Jabuuti .

Dowlada Jabuuti ayaa baabi’isay lix bilood kahor Heshiis ay horey ula gashay shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka oo lagula wareejiyay Dekaddo kuyaala dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -