Wasiirka Difaaca Mareykanka oo ka hadlay Sababaha ay u hakiyeen Kaalmadii ay siin jireen Milatariga Somalia

Wasiirka Difaacada Dowlada Mareykanka Jim Mattis ayaa ka hadlay sababaha xiligan Dowlada Mareykanka u hakisay taageeradii ay siin jireen Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya .

Waxa uu sheegay Wasiirka Difaaca Dowlada Mareykanka in sababta ay kaalmada uga hakiyeen Milatariga Soomaaliya uu yahay Musuq maasuq baahsan ka dhax jira hogaanka Ciidanka Milatariga .

Jim Mattis ayaa xusay dowlada Mareykanka xiligan kalsooni badan ku qabto in dowlada uu hogaamiyo Farmaajo soo afjari doonto musuq maasuqa iyo waxyaabaha ragaadiyay soo kabsashada ciidanka xooga Soomaaliya.

Wasiirka Difaacada Dowlada Mareykanka ayaa amaanay dadaalada Dowlada Soomaaliya ku dooneysyo in ay kula dagaalanto Musuq maasuqa Soomaaliya ka jira gaar ahaan kan ciidanka Xooga Soomaaliyeed dib u dhac u keenay.

“Xiriir wanaagsan ayaa la leenahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda Federaalka, xaqiiqdii tallaabooyin muuqda ayey u qaadeen la dagaallanka musuq maasuqa, waxaanse og-soonnahay  in ay wakhti u baahantahay sidii ay mira-dhal u yeelan lahaayeen dadaaladaasi. Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mareykanka.

Jim Mattis ayaa sheegay in dib u dhaca ciidanka Milatariga iyo Musuq maasuqa hareeyay ay ka horeysay dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna rajo ka muujiyay in isbadal weyn Dowlada sameyn doonto.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay in ay hakisay taageeradii ay siin jirtay ciidanka Milatariga Soomaaliya, kadib markii ay soo baxeen in la musuq maasuqay gar gaarkii ay Mareykanka siinayeen Ciidanka Milatariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -