Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu soo gabo gabeeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Garawe lagu soo gabo gabeeyay Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana shirkan Gudoominayay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeyb galay Madaxda maamulka Puntland iyo Wasiirada maamulkaasi, waxaana shirkaasi looga hadlay ajandayaal kala duwan oo goordhaw la filayo in Warbaahinta loo faah faahiyo.

Saxaafada ayaa banaanka ka joogtay shirka Golaha Wasiirada marka laga reebo in ay muuqaalo iyo Sawiro kaliya ka duubteen, mana jirto cid labada dhinac katirsan oo faah faahin badan ka bixisay shirka iyo waxa diirada lagu saaray.

Shirkan inta uusan dhicin ayaa magaalada Garawe si weyn looga dareemayay khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Wafdiga Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda Puntland, waxa uuna shirka Golaha Wasiirada qarka u fuulay in uu baaqdo.

Waxii Warar ah ee shirkan kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey shirka Golaha wadatashiga qaran

Caydiid Ali

Israa’iil iyo Xamaas oo ku heshiiyey sii deynta la heysteyaasha iyo xabbad-joojin

Cabdi Cade

Odowaa: “Ma jirto sabab aan hambalyo ugu diro doorasho Cadaalad daro ku timid”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---